Dedaalo lagu sii deyn lahaa Wadaadka Mukhtaar Roobow oo mar kale guuldareystay

Waxaa mar kale guuldareystay dedaalo la doonayey in lagu sii daayo wadaadka Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo u xiran dowlada federaalka Soomaaliya

Guddi loo xil saaray inay ka qeyb qaataan wadahadallo la doonayey in lagu sii daayo Wadaadkan ayaa Maanta ku dhawaaqay in wadahadalladaas ay fashilmeen.

Kulan ay Magaalada Baydhabo gudiggaas ku yeesheen ayaa waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey iney masuul ka tahay fashilka ku yimid dedaalkii lagu sii deyn lahaa wadaadkan, ayna xageeda waxba ka socon waayeen.

Waxa intaas ku dareen in Madaxweynaha Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay u balan qaadeen in dadkii ku dhintay rabshadihii Baydhabo magtooda dowladu bixin doonto hase yeeshee arintaas aysan dhaqan gelin illaa hadda.

Xildhibaan Maxamed Cadow oo ka mid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Malaaq Cali Boor ayaa waxaa ay si wadajir ah u sheegeen in ay ka quusteen sii deynta Mukhtaar Roobow, isla markaana balamo badan oo dowladda Soomaaliya ay u sameysay ay uga baxday.

Warar hoose ayaa sheegaya in dowlada Somalia ay shuruudo  ku xirtay sii deynta Mukhtaar Roobow kuwaasoo ay ka mid yihiin inuu aqoonsado Madaxweynaha cusub ee koonfur galbeed iyo Maamulkiisa, inuu balan-qaado inuusan carqaladeyn doonin maamulkaas iyo qodobo kale, kuwaasoo la sheegay in Mukhtaar Roobow uu ku gacan seyray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -