Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Puntland oo amar culus ka soo saartay shirarka lagu qabto hotelada Garoowe

Maamulka Puntland ee gobolka Nugaal ayaa soo saaray qoraal lagu mamnuucay in magaaladaasi lagu qabto shirar iyo kulamo aysan ka war hayn Maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha amniga.

Qoraalkan oo soo baxday wax yar ka hor xilligii uu dhici lahaa kulankii dadweyne ee lagu marti qaaday Madaxweyne Farmaajo, balse la joojiyey ayaa lagu mamnuucay kulamada Siyaasadda.

laamaha amniga Puntland ayaa lagu wargeliyey iney talaabo adag ka qaadaan cid kasta oo ku xad gudubta amarka.

Maamulka Madaxweyne Deni ayaa u muuqda inuu bahdilaad siyaasadeed iyo go’doomin dadban u geysanaya Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maalmahan booqasho ku jooga Garowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Dab goor dhow qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha

Caydiid Ali

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir oo soo qaatay Warqad uu ku weeraro hotel Jaziira

Cabdi Cade

Iran oo Dhoolatus aan caadi aheyn ka bilowday Badda Cumaan iyo marinka Hormuz

Caydiid Ali
Taboola Ads ---