Daawo Sawirrada : Khasaaraha kasoo gaaray Hotelka Tawakal weerarkii Al Shabaab

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa shalay weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah  ku qaaday hotelka Tawakal, oo kamid ah hoteelada waa weyn ee kuyaalla magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Weerarka lagu qaaday hotelka Tawakal ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo ciidamo, waxaa sidoo kale la dilay dableydii weerarka ku gashay hotelka.

Dhismaha horelka ayaa waxaa soo gaaray burbur aad u xooggan, waxaana gudaha hotelka saacado badan ka socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada ammaanka iyo sidoo kale kooxda hubeesan ee hotelka weerarka ku galay.

Sawiirro laga soo qaaday hotelka Tawakal ayaa waxaa ka muuqda burbur aad u xooggan oo soo gaaray qeybo badan oo kamid ah dhismaha hotelka , waxaa sidoo kale la arkayay dhiig badan oo hotelka dhax yaallay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -