Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Hirshabelle oo si adag uga hadlay Dilka Nabaddoon Cilmi Hagar Guurre

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya afka goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo maanta ku shahiiday howlgal lagu baacsanayay Al shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cilmi Hagar Guure uu ahaa nabaddoon lagu yaqaanay ka shaqeynta nabadda door wanaagsanna ka qaatay wacyigelinta horumarka bulshada iyo dowlad-dhiska dalka.

““Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan ummaad Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar Guure, Marxuumku waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka Hiiraan isaga oo ku shahiiday halgan xaq ah.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Marxuumka Alle uga baryay in hoygiisa uu ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskii qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarakada Al-shabaab oo War culus ka soo saartay qaraxii Ex-control Afgooye

Caydiid Ali

Dowladda oo hawada ka celisay Diyaarad kasoo duushay Imaaraadka oo Hargeysa kusii jeeday

Cabdi Cade

Mss. Anita Kiki Gbeho oo booqasho ku tagtay Baydhabo & Puntland oo Mamnuucday..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---