Banaan bax maanta ka dhacay Muqdisho iyo Rasaas lagu furay Dibad baxayaasha

Waxaa maanta banaan bax rabshado watay uu ka dhacay afaafka hore ee dekada magaalada Muqdisho, waxaana banaan baxa dhigayay xaasas iyo waalidiin ay ka geeriyoodeen askar katirsaneyd ciidanka dowlada.

Hooyooyinka banaan baxa dhigayay ayaa ka cabanayay in mudo dhowr bil ah aan la siin xaquuqdii ay horey dowlada u siin jirtay ee askarta geeriyootay, waxa ayna ugu baaqeen dowlada in aysan silacan ku fiirsan.

Dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah xaquuq la’aanta heesata, waxa ayna sheegeen in ragii qabay iyo wiilashooda dhinteen iyaga oo difaacayay dowlada ayna nasiib daro tahay in xaquuqdii ragoodii iyo wiilashoodii geeriyooday aan la siin.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo soo gaaray goobta banaan baxa ay ka dhigayeen hooyooyinka ayaa rasaas xoogan ku furay dibad baxayaasha, waxaana mudo rabshado ka taagnaayeen afaafka hore ee Dekadda Muqdisho.

Hooyooyinkan maanta banaan baxa ka dhigay afaafka hore ee Dekadda Muqdisho ayaa horey sidan oo lale banaan bax uga dhigay afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -