Allbanaadir.com
NEWS

Diyaaradaha Aan Duuliyaha laheyn oo lagu wareejiyay Ciidamada AMISOM

Dowlada Mareykanka ayaa ku wareejisay Ciidamada AMISOM diyaaradaha wax basaasa nuuca aan duuliyaha laheyn, si ay ugu adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan dagaalyahanada Al Shabaab.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa dowlada Mareykanka kula wareejisay Ciidamada AMISOM diyaaraha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drones.

Madaxa howlgalka ciidamada AMISOM  Francisco Madeira ayaa uga mahad celiyay dowlada Mareykanka diyaaradahan ay ugu deeqday, waxa uuna xusay in marar badan codsadeen balse ugu dambeyn ka heleyn dowlada Mareykanka.

Waxa uu ugu baaqay dowladaha kale ee caalamka in ay ka taageeraan dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab uguna deeqaan diyaarado iyo qalab kale oo suurto gal ka dhigi kara in Al Shabaab laga guuleesto.

Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya u jooga caawinta dowlada Soomaaliya ayaan wali heysan diyaaradaha dagaalka ay marar badan codsadeen, waxa aysan sidoo kale AMISOM horey u heysan diyaaradaha wax basaasa kuwaa oo hada un loogu deeqay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo joojinaysa keenista baabuurta shidaalka ku shaqeeya iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Dhacdooyinka ugu waaweynaa siyaasada Somalia ee sanadkii dhamaaday

Caydiid Ali

Sheeko Jaceyl: Dhimasho ayaan ka xigaa in aan Dib kusoo Jeclaado (Qeybta 5-aad)

Cabdi Cade