Kheyre oo Garawe kula kulmay labo kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada iyo xog ku aadan …

Magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in uu ka furmo shir xasaasi ah oo u dhaxeeya Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka ayaa looga hadli doonaa arimo badan oo xasaasi ah ay kamid tahay sidii xal looga gaari lahaa mad madowga u dhaxeeya dowlada federaalka iyo maamulada qaar  iyo sidoo kale arimo la xariira Daroorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay gaaray Garawe ayaa maanta magaaladaasi kula kulmay Madaxda maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo xiriir dhaw iyagu la leh dowlada federaalka.

Sida aan wararka ku helnay Kheyre ayaa madaxda Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed kala hadlay sidii ay u taageeri lahaayeen go’aanada dowlada ee kasoo horjeedaan maamulada kale sida sharcigii golaha wasiirada ansixiyeen.

Ra’isul Wasaaraha ayaa doonaya in shanta maamul aysan noqon kuwa isku mowqif ah, waxa uuna Madaxda maamulada uu la kulmay ka codsadeen in ay muujiyaan taageerada iyo garab istaaga dowlada federaalka.

Maamulada kale ee Puntland, Juballand iyo Galmudug ayaa hada u muuqda kuwa isbaheysi hoose sameestay, waxa ayna maamuladaan si isku mid ah uga hor yimaadeen sharciga Doorashooyinka ay dhawaan ansixiyeen golaha Wasiirada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -