Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Imaaraatka (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay si heer sare ah waxaa loogu soo dhaweeyay magaalada Abuu Dubai ee dalka Isku taga Imaaraatka Carabta.

Muuse Biixi iyo Wafdiga la socda oo isugu jira Wasiiro iyo Siyaasiiin ayaa shalay magaalada Hargeysa waxaa ka qaaday diyaarad qaas ah oo ay usoo dirtay Dowlada Imaaraatka, waxaana xalay garoonka wafdiga kusoo dhaweeyay Madax katirsan dowlada Imaaraatka.

Wafdiga Somaliland kasocda ee tagay magaalada Dubai ayaa la dejiyay qasri loogu tala galay in lagu soo dhaweeyo Madaxda caalamka, Somaliland ayaan sheegay in Muuse Biixi Imaaraatka ku tagay Martiqaad rasmi ah.

Dhaxal sugaha Imaaraaka Carabta Maxamed Bin Zayed Al Nahyan oo isagu mariqaadka u fidiyay wafdiga Somaliland ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato Muuse Biixi kalana hadlo arimo badan oo muhiim ah.

Safarka Madaxweynaha Somaliland ku tagay Imaaraatka Caraba ayaa kusoo aadaya xili Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen xeer dalka looga saarayo Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka horeyna heshiis ula gashay Somaliland.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo loogu hanjabay in Durbaano lagu yeerin doono hadii uu ka hadlo…

Cabdi Cade

Rugta ganacsiga & Warshadaha oo ka hor timid kala diristii lagu sameeyey

Caydiid Ali

Senator caan ah oo katirsanaa Aqalka Sare oo goordhaw geeriyooday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---