Allbanaadir.com
NEWS

Mooshin saakay laga gudbiyay Jawaari iyo Qodobo Xasaasi ah oo lagu eedeeyay (Akhriso)

Xildhibaano tiro badan oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saakay mooshin kalsooni kala noqosho ah ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Mooshin ay saxiixeen in ka badan 100- Xildhibaan ayaa saakay aroor hore farta laga saaray Gudoomiye kuxogeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahin Muudey.

Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay oo lagu soo waramayo in Madaxtooyada Soomaaliya gadaal ka riixeyso ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka ku eedeeyay in mudadii xilka uu hayay uu ku kacay falal liddi ku ah dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha shacabka.

Mooshinkan laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka doodistiisa la guda gali doonaa isbuuca soo socda, waxaana saacadihii lasoo dhaafay si xoogan Madaxtooyada looga dareemayay abaabulka mooshinkan cusub.

Halkan ka Akhriso Mooshinka laga gudbiyay Jawaari iyo Qodobada lagu eedeeyay

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heshiiskii Dhuusamareeb 3 wuxuu banaanka soo dhigay saddex arrimood oo Qarsoonaa!!

Caydiid Ali

Tikidhka Diyaaradaha u kala gooshaya Itoobiya iyo Eritrea oo lacag qaali ah ku bilaabanaya

Cabdi Cade

Dowlada  Iran oo ku hanjabtay in fal aargoosi ah ka sameenayaan gudaha Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---