(Akhriso) Siyaasiyiin & Waxgarad ka soo jeeda Puntland oo soo saaray Bayaan ka dhan ah Deni

Senatarro ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ay wehliyaan Wasiirro hore oo ka tirsanaa Xukuumaddihii iskaga dambeeyey Puntland, Jeneraallo ciidan oo ka mid ahaa raggii wax ka asaasayay Puntland, aqoonyahanno, indheer garad kale & ganacsato ka soo jeeda Puntland ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ku wajahan xaaladda Puntland, waqtiga kala guurka ah iyo khilaaf ka dhexeeya DF & maamulkaas.

Xubnahan ayaa si wayn uga soo horjeestay in laga hadlo arrin ku saabsan in Puntland ka go’ayso Somalia, iyagoo dhinaca kale si kulul uga hadlay sida loo fasiray qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland oo ay markasta madaxda maamulkaas sheegaan inuu siinayo maqaam ay sidii dowlad gooni ah ugu dhaqmi karaan, haddii laga fursan waayo.

War Saxaafadeed ay soo saareen ah ayaa lagu cadeeyey in aysan marnaba ka go’aynin Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda ee hadda taagan, iyagoo soo jeediyey in caqabadaha waawayn ee jira looga gudbo wadahadal.

Bayaankan oo la magac baxay ”Somalia horumarkeedu waa Puntland barwaaqadeeda, Puntland horumarkeeduna waa Somalia baraareheeda ayaa si cad loogu canaantay MW Deni oo loo sheegay in aan saaxada maamulkaasi lagu soo qaadi karin dood ku saabsan madax banaani.

Dhinaca kale bayaanka ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo ugu baaqay inuu door odaynimo ka qaato marka ay xaaladdu cakiranto si dadka la iskugu soo dhoweeyo.

Waxay Madaxweynaha Puntland ugu baaqeen inuu ka qayb galo shirka wada tashiga ah ee uu ku baaqay Madaxweynaha Somalia 5-8 bishan, isla markaana ay Puntland horseed ka noqoto geeddi socodka dowlad dhisidda iyo horumarka Somalia.

Bayaanka ayaa labada aqal ee baarlamanka Somalia ugu baaqay iney si waafaqsan dastuurka KMG ah u maraan maqaamka iyo metelaada gobolka Banaadir oo ay sheegeen inuu yahay mid muhiim ah.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA OO DHAMEYSTIRAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -