Puntland oo ku gacan seyrtay Xeerka doorashooyinka ee Maanta la ansixiyey (Akhriso)

Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid Xeerka doorashooyinka ee uu maanta ansixiyey golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Somalia.

War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Xeerka Doorashada ee la ansixiyey aan Puntland lagala tashan, waxbana ka khuseynin, iyagoo sheegay in talaabadan ay ka hor imaneyso dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili Madaxweynaha Puntland uu sheegay maalmo ka hor in Xukuumada Federaalku ay ka gaabisay arimihii doorashada sidaas awgeed ay ku fashilantay shaqadii loo igmaday.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Puntland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -