Heyadda socdaalka & Jinsiyadaha Somalia oo xarun weyn ka dhisatay Magaalada..(Daawo Sawirro)

Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa beenisay warar maalmahan la isla dhexmarayey oo sheegayay iney joojisay Baasaboorka ay ka bixineysay Xafiiska Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Masuuliyiinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sheegay in Hay’adda oo markii hore deganeyd guri Kiro ah oo gaar leeyahay ay hadda xarun weyn ka dhisatay magaalada Garowe, halkaasoo ay ka sii socon doonto howsha shacabka ay u heyso.

Hay’addu  waxay mar kale ku wargalineysaa bulshada ku xiran adeegga xaruntan inay adeegga bixinta baasaboorku dib uga bilaaban doonto xarunta cusub maanta oo tariikhdu tahay 13/03/2018.

Dhinaca kale Hay’addu waxay cadeyneysaa in aysan matalin isla markaana wax mas”uuliyad ah u haynin dad shaley sheegtey magaca hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasinka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland, gaar ahaan maamulka gobolka Nugaal wadashaqeynta hagaagsan, isla markaana ku saleysan sharciyada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -