Allbanaadir.com
NEWS

Dacwad nuuc Cusub ah oo loo gudbiyay Maxkamad kutaala Hargeysa

Maxkamad kutaala magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa loo gudbiyay dacwad nuuc cusub ah oo ka dhan ah Mehrad ganacsi oo kutaala magaaladaasi.

Garyaqaan Mubaakar Cabdi ayaa Maxkamada Hargeysa u gudbiyay dacwad ka dhan ah Mehrada Berbera Cafe ee kutaala magaalada Hargeysa, waxaana mehradan lagu dacweeyay takoor ay kula kacday wiil naafo ah.

Dacwadan oo ah mid nuuceeda uu ku cusub yahay magaalada Hargeydsa iyo guud ahaan Soomaaliya ayaa mehradan laga gudbiyay lagu eedeeyay in ay takoortay wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Maxkmaada magaalada Hargeysa ayaana la filayaa in ay ka fadhiisato kiiskan una yeerto maamulka Mehrada dacwada takoorka lagu soo eedeeyay, waxaana tilaabadan lagu dacweeyay mehradan si weyn usoo dhaweeyay dad badan oo maqlay.

Dastuurka u qoran Somaliland ayaa qoraya in mamnuuc tahay in takoor nuuca uu doono ha ahaadee lagula kaco bulshada, waxaana deeganada Somaliland mararka qaar ka dhaca takoor  lagula kaco dadka naafada ah iyo dadka kale aan Somaliland kasoo jeedin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muslimiinta Dal kuyaalla Yurub oo ka naxay Doorasho uu ku guuleestay Geert Wilders

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in la dayacay amniga marxuum Xildhibaan Cismaan Clmi Boqore?

Caydiid Ali

Kiisaskii ugu badnaa cudurka COVID-19 oo maanta Soomaaliya laga diiwaan-geliyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---