Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeney Ilaalo aheyd oo mar qura isku bedeshay Boqorad !! (Daawo Sawirada)

Boqorka dalka Thailand Maha Vajiralongkorn ayaa guursaday haweeney kamid aheyd ilaaladiisa gaarka ah, waxa uuna boqorka haweeneydaasi inta uusan guursan kahor ka dhigay Jeneraal ciidan .

Suthida Vajiralongkorn Na Ayudhya oo horey uga mid aheyd adeegayaaha Diyaarada Thailand Airays ayaa boqorka dalka Thaliland aa uu ka dhigay taliye kuxigeenka ciidanka ilaalada u ah.

Boqor Maha Vajiralongkorn ayaa dhaxlay boqortooyada Thailand kadib markii uu geeriyooday aabihiis oo Boqor ahaa, waxa uuna boqorka horey u soo guursaday xaasas badan , waxaana u joogta 7-caruur ah.

War saxaafadeed kasoo baxay Boqortooyada Thailand ayaa lagu sheegay in Boqor Maha uu go’aansaday inuu dalacsiiyo General Suthida Vajiralongkorn ,oo uu boqorad ka dhigo, waxa ayna Haweeneydan hada kadib la maqaam noqon doontaa qoyska reer boqor.

1140486229

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baasaboorada ajaaniib ka soo kala jeedda 11 dal oo laga helay Calmiskaad

Cabdi Cade

Al-Shabaab oo saaka Macalimiin ku leysay gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kala diray guddiyadii doorashooyinka, xili la filayey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---