Al-Shabaab oo saaka Macalimiin ku leysay gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya

Weerar saaka waaberigii ka dhacay meel ku dhaw degaanka Qarsa oo ku yaalla duleedka magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa waxaa lagu dilay Macalimiin Kenyan ah.

Taliyaha Ciidamda Wajeer Stephen Ngetich ayaa sheegay in koox looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin garabka Al-shabaab ee Kenya ay dileen Sedex macalin oo wax ka dhigayay iskuul ku yaalla degaanka Qarsa.

Stephen Ngetich ayaan sheegin Macalimiintan la dilay asal ahaan degaanada ay ka kala yimaadeen.

Ciidamada Kenya ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxay sheegayeen inay wadaan qorshe ay ku yareynayaan weerarada Alshabaab ay ka geystaan Gobolka Waqooyi bari hase ahaatee Al-shabaab ayaa bil gudaheed ka geystay gobolkaas illaa shan Weerar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -