Qarax khasaare geystay oo caawa ka dhacay deg. Balcad & Wararkii ugu dambeeyey

Qarax ayaa caawa ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe kaasoo geystay khasaare nafeed sida ay sheegayaan wararka degmadaas naga soo gaaraya.

Qaraxan oo loo adeegsaday miino la geliyey meel waddo ah ayaa waxaa lala beegsanayey ciidamo ka tirsan dowlada oo ku sugnaa goob aan ka fogeyn goobta qaraxu ka dhacay.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxan oo daryankiisa laga maqlay degmada Balcad iyo nawaaxigeeda ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo loola cararay goobaha caafimaadka.

Ciidamada amaanka Maamulka degmada Balcad ayaa gaaray goobtaas, iyagoo ka sameeyey howlgalo baaritaano ah oo ay ku daba galayaan kooxihii ka dambeeyey qaraxaas.

Maamulka degmada Balcad iyo saraakiisha amaanka ayaan ka hadlin qaraxan caawa ka dhacay degmadaas, mana jirto cid sheegatay inkastoo kooxda Al-shabaab ay had iyo jeer dhabarka u ritaan qaraxyada noocan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -