Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dab xooggan oo goor dhow qabsaday dhisme ku yaalla Suuqa Bakaaraha

Dab ayaa goor dhow wax yar ka hor salaadii maqrib qabsaday dhisme ku yaalla gudaha Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dhismaha gubanaya uu ku yaalla qeybta Cabdalla Shideeye ee suuqa Bakaaraha oo inta badan lagu iibiyo qalabka electrooikada ah.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan oo weli socda uu guud ahaan qabsaday dhismahaas oo ay ku jirtay hanti badan oo ganacsi, iyadoo laga cabsi qabo in dabku ku fido  dhismeyaasha kale ee u dhow.

Gurmad xoogan oo loga hortagayo inuu faafo dabkan ayaa ka socda Suuqa Bakaaraha,  waxaana halkaas gaaray gaadiidka dab demiska ee ay leedahay shirkadda Hormuud, welina ma cadda sababta dhalisay dabkan inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay fiilo koronto.

La soco wixii soo kordha 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Farmaajo oo ka hadlay geerida Marxuum Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble

Caydiid Ali

Dhalinyaro Soomaali ah oo rasaas isku weydaarsaday dalka Maraykanka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulan xasaasi ah la qaatay Macalin Maxamuud iyo Xog ku aadan …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---