Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulan xasaasi ah la qaatay Macalin Maxamuud iyo Xog ku aadan …

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan xasaasi ah magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug kula qaatay Hogaamiyaha kooxda Ahlu Sunna Macalin Maxamuud.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa xubno ka qeyb galay sheegeen in looga hadlay dhismaha iyo dedejinta Galmudug loo dhan yahay iyo sidii loo dhameyn lahaa khilaafaadka yar ee jira.

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Macalin Maxamuud ayaa sidoo kale la sheegay in ay kawada hadleen sidii dib loogu laaban lahaa Xildhibaanada 20-ka ah ee Ahlu Sunna soo magacawday kuwaa oo la sheegay in saami qeybsi qaldan loo maray.

Sida aan Wararka ku helnay kulanka ayaa kusoo dhamaaday is faham waxa ayna labada dhinac u balameen in wadatashiyo kadib isugu yimaadaan kulamo kale oo lagu dhameenayo khilaafka ka dhashay Xildhibaanada Ahlu Sunna qaadatay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa magaalada Dhuusomareeb u tagay xal u helida khilaafaadka ka jira dhismaha Galmudug loo dhan yahay, waxa uuna Kheyre kulamo kala duwan ka wadaa magaalada Dhuusomareeb uu habeenkii labaad ku hoyday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -