Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Al Shabaab oo saakay dagaal looga saaray deegaan ay gacanta ku hayeen

Ciidamo aad u hubeesan oo katirsan maamulka Jubbaland ayaa saakay weerar qorsheesan waxa ay ku qaadeen deegaanka Xagar oo hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada Jubbaland ayaa dhowr jiho ka galay deegaanka Xagar, waxaana dagaalyahanadii Al Shabaab ee deegaankaasi joogay ay iska caabin aan badneyn kala hortageen ciidamada Jubbaland.

Saraakiisha hogaamineysay howlgalka ciidamada ku qabsadeen deegaanka Xagar ayaa sheegay in Shabaabkii ku sugnaa deegaankaasi ay isaga carareen , waxa ayna saraakiisha sheegeen in ay kudaba jiraan firxadka dagaalyahanada.

Ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay sidoo kale damacsan yihiin in ay sii wadaan howlgalada ay kula wareegaayaan deegaano hoos taga degmada Afmadow oo ay maamulaan Al Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa bilooyin kahor iclaamiyay howlgalo Al Shabaab looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay ka joogaan gobolada jubooyinka, hasa ahaatee howlgalkaasi ayaa noqday mid afka baarkiisa un ku ekaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dr Hashem Moazenzadeh oo lagu riday xukun adag iyo Dambiga uu galay oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Sarkaal la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab oo isku soo dhibay Ciidanka Danab

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Abiy oo maalmo badan kadib fagaare kasoo muuqday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---