Dayuuradaha Maraykanka oo 24 saac gudahood labo weerar ku qaaday Al-Shabaab

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sheegay in laba duqeyn ay Khamiistii la soo dhaafay la beegsadeen dhismo ay Al-Shabaab ku leeyihiin meel ku dhow deegaanka Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, iyagoo xusay  iney ku dhaawaceen laba ka mid ah maleeshiyadii Al-Shabaab ee halkaa ku sugnaa.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in qiimeynta weerarkaasi ee uu Mareykanku ilaa iyo hadda sameeyay ay muujineyso in saldhigaasi ay Al-Shabaab lahaayeen la burburiyay, laba ka mid ah maleeshiyadii halkaa ku sugnaana ay dhaawacmeen.

“Duqeymaha noocan ah, waa kuwo aan gacan uga geysanno ka hor tagista in Al-Shabaab ay sameystaan meelo gabbaad u ah oo ay ka soo abaabulaan weeraro dhimasho dhaliya oo ka dhan ah Mareykanka iyo saaxibadiisa Bariga Africa,” sidaasina waxa qoraalka AFRICOM ku yiri Gen. Bradford Gering, oo ah ku xigeenka Agaasimaha Howlgalada ee Taliksa Milatariga Mareykanka ee Africa.

Qoraalku waxa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hadda aysan jirin dad rayid ah oo weerarkaasi wax ku noqotay.

Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah si joogta ah uga fuliya Soomaaliya iyagoo la beegsada maleeshiyada Al-Shabaab ee inta badan ku sugan gobolada jubbooyinka, shabeelooyinka iyo meelo ka mid ah gobolada dhexe, Baay iyo Bakool.

Waxaa kaloo ay duqeymo la beegsadaan maleeshiyada Daacish ee ku dhuumaaleysta buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -