Orodyahanka Soomaaliga ah balse heysta dhalashada Britain Maxamed Faarax (Mo Farah) oo u tartamayay Maradoonka London ayaa galay kaalinta shanaad oo ah mid aan looga baran orodyahankan.
Eliud Kipchoge oo Kenya u dhashay ahna 34 jir ayaa ku guuleystay kaalinta koowaad ee tartankan, isagoo sanadkii hore rikoor cusub u dhigay Maradoonka Berlin.
Mosinet Geremew iyo Mule Wasihun oo labaduba Itoobiyaan ah ayaa galay kaalimaha labaad iyo saddexaad ee Maradoonka London.
Inkastoo Mo Farah lagaga guulaystay orodkaasi, ayaa haddana waqtiga uu ku orday oo ahaa laba saac, shan daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi waxa uu ahaa kii labaad ee ugu dhaqsaha badnaa ee uu ku ordo qof British ah.
“Orodka si wanaagsan ayuu ku bilowday ujeedkeyguna waxa uu ahaa inaan daba socdo qofka ugu horreeya, balse 20 mayl kadib ayuu iga baxsaday, wayna igu adkaatay inaan soo qabto,” ayuu yiri Maxamed Faarax oo ku hambalyeeyay Eliud.
Orodyahanka Mo Farah oo aan looga baran guuldarooyinka noocan ah ayaa ugu billado guulaysiga badan taariikhda Britain.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com