Wararka ka imanaaya degmada Ceerigaabo ayaa sheegaya in dab uu ka kacay deegaanka buurta Daallo, dabka ayaa khasaaro u geeystay deegaankaas hasa yeeshee ilaa iyo hadda lamasoo werin cid ku dhimatay. Dabka ayaa gaaray meelo dhaadheer oo burta ah, taas oo ay adagtahay in si fudud lagu gaaro.
Wasiirka Deegaanka iyo Cimilada Somaliland Cabdillahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa sheegay in ilaa iyo haddala aqoon sababta rasmiga ah ee dabak dhalisay balse loo maleynayo abaaraha iyo is xoqa dhirta oo madag sameeya, ay kamid noqon karaan laakinse la baari doono .
Wasiirku waxa uu sheegay in sidii dabkaasi loo damin lahaa ay gacanta ku hayaan ciidanka Dab Damiska howladadeenada Wasaarada Deegaanka , Ciidaanka Ilaalada Xeebaha, Ciidanka Booliska iyo dadweynaha deegaanka oo u gurmuday . “ waxaynu ku dhiiri gelinayaa oo aan ugu baaqeynaa dadka gobolka iyo deegaanka degan in ay la shaqeeyaan ciidamdaas kala duwan siii dabkaasi loo demin lahaa ayu yiri wasiir Cabdillahi.
Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa baaq degdeg ah u diray shacabka Gobolka Sanaag, gaar ahaan bulshada degmada Ceerigaabo, isagoo ugu baaqay in ay si dhaqso leh uga qayb qaataan gurmadka dabka xooggan ee ka kacay buuraleyda waqooyi ee gobolka, gaar ahaan Buurta Daallo.
Wasiirka ayaa sheegay in dabkan uu yahay masiibo weyn oo si xawli ah u fidaysa, isla markaana khatar ku ah deegaanka, xoolaha, iyo nolosha dadka gobolka.
Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada ayaa ugu baaqay hay’adaha dowliga ah, kuwa maxalliga ah, ganacsatada, dhalinyarada, iyo guud ahaan bulshada Soomaaliland in ay kaalin muuqata ka qaataan dadaallada lagu daminayo dabkan si loo yareeyo khasaaraha uu sababi karo.
daa