Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Odayaashii lagu xirxiray Cadaado oo loo gudbiyey Saldhiga Dhuusamareeb

Saldhiga Booliska magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu xirxiay odayaal laga soo qaaday degmada Cadaado oo ka soo jeeda beesha Saleebaan kuwaasoo lagu eedeeyey iney heshiis la soo saxiixdeen Al-shabaab.

Odayaashan ayaa la filayaa in loo gudbiyo maxkamad, iyadoo loo cuskaday inay jabiyeen digniin ay hore ay u soo saartay dowlada Federaalka iyo Galmudug oo ku aadaneyd inaan lala macaamili karin al-shabaab oo dagaal adag lagula jiro.

Raggan odayaasha ah oo ka kooban saddex nin ayaa iyagoo metelaya beesha Cadaado waxay heshiis la galeen Al-shabaab, kaasoo la xiriiray in Al-shabaab ay sii daayaan rag iyo gaadiid ay beeshu leedahay oo u xiran, taas bedelkeedna ay beesha Saleebaan joojiso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, kana soo horjeesato dowlada Somalia.

Madaxweyne Qoorqoor oo odayaashan heyb wadaag la ah ayaa dhowaan amar ku siiyey ciidamada Galmudug iney soo xiraa meel kastoo ay ku arkaan si sharciga loo hokeeno.

Suldaanka beesha Saleebaan ayaa beeniyey in Al-shabaab ay la galeen heshiis nabadeed, isagoo xusay in heshaiiska la shaaciyey ay Al-shabaab la galeen odayaal aan taageero ka heysan beesha, wuxuuna xusay in iyaga iyo Al-shabaab ay ka dhexeyso xabad oo kaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) War Murtiyeed ka dhan ah DFS oo laga soo saaray shirkii Puntland & Jubbaland

Caydiid Ali

Waddooyinka Muqdisho qaarkood oo saakay xiran iyo Dadka oo lugta xitaa loo doodayo

Cabdi Cade

Trump oo lagu wado in la xukumo xilli xilka Madaxweynaha loo dhaarin rabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---