Somaliland oo War cusub ka soo saartay rabshidihii dhowaan ka dhacay Laascaanood

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Suleymaan Cali Koore ayaa warbaahinta la wadaagay war saxafadeed ay soo saareen oo ku saabsan xaalada magaalada Laascaanood

Suleymaan Cali Koore ayaa sheegay in Somaliland ay taageereyso wahadallada nabadda si loo soo afjaro xiisadda Laascaanood.

Waxaa uu sheegay in xukuumadu qaaday talaabooyin lagu sugayo amniga gobolka Sool, iyadoo qaadatay bixinta magta dadkii dhintay, ayna xakamaysay ciidamada si khasaare kale looga fogaado, isla markaana ay sii daysay dhamaan dadkii lagu soo qabtay qalalaasaha ka dhacay magaalada.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay inay taageersan yihiin baaqii kasoo baxay xubnaha golaha wakiilada, guurtida iyo golayaasha deegaanada, ee magaalooyinka bariga.

“Xukuumada Somaliland waxay taageeraysa baaqii ku saabsanaa adkaynta nabadgalyada iyo in wada-hadal lagu dhameeyo, wixii tabasho ah ee jira, xubnaha Golaha wakiilada, guurtida iyo golayaasha degaanada ee Taleex, Buuhoodle, Laascaanood iyo Xudun” ayuu yiri Wasiir Koore.

Shacabka magaalada Laascaanood ayuu ugu baaqay inay nabada ilaaliyaan, sidookale, dadkii qaxay ayay ka codsadeen inay ku soo laabtaan magaaladooda, isla markaana dib loo furo xarumaha ganacsiga, iskuuladam Jaamacadaha, dugsiyada iyo Qur’aanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -