Ciidanka NISA oo fashiliyey miino lagu aasay wadada dhinaceeda (Daawo Sawirro)

Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa degmadda Baardheere ee gobolka Gedo ka soo saaray xalay miino lagu aasay mid ka mid ah wadooyinka degmadaas.

Taliyaha Ciidanka Hay’adda Nabad sugida degmada Baardheere Captain Axmed Garab-gooye ayaa sheegay in lagu raad joogo ragii dhigay miinadan la soo saaray.

“Kooxda argagixisadda Alshabaab ayaa miinadan ku aasay jid ku yaala Baardheere iyagoo doonayay inay dadka shacabka ah ku dhibaateeyaan, balse ILAAHAY Mahadiis waa laga hortagay” ayuu yiri taliyaha.

Waxaa uu intaas ku daray in dad shacab ah ciidanka NISA ku soo wargeliyeen miinadan, kuwaasoo arkayey markii rag hubeysan ay wadada ku aasayeen, taasoo fududeysay in la soo saaro iyadoo aan waxyeelo geysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

         

- Advertisement -