Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Benjamin Mkapa oo goor dhow ku geeriyooday Isbitaal lagu daweynayey

Madaxweynihii hore ee dalka Tansaaniya Benjamin Mkapa ayaa saaka la shaaciyey inuu saaka ku geeriyooday magaalada Daarul-salaam

Madaxweynaha haatan talada haya ee dalkaas John Magufuli ayaa shaaciyay geerida Mkapa.

Magufuli ayaa sheegaya in hogaamiyihii hore uu ku geeriyooday isbitaal isaga oo la daweynayay, balse ma caddeynin cudurka lagala tacaalayey

Ma cadda sababta keentay dhimashada Mkapa oo ahaa Madaxweynaha Tansaaniya soo xukumay muddo 10 sano ah oo u dhexeysay 1995-2005.

Baroordiiq Qaran ayaa loogu dhawaaqay dalka Tansaaniya, calankana hoos ayaa loo dhigay iyadoo hogaamiyaha geeriyooday loo sameyn doono maamuus iyo aas Qaran.

Mkapa oo 81 jir ahaa, wuxuu sidoo kale ahaa Safiir, wasiir iyo sarkaal muhiim ah oo ka tirsan xisbiga talada dalkaas haya ee CCM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Ballan-qaad u sameysay Shacabka Bacaadweyn baaqna u dirtay

Cabdi Cade

Shir Looga Hadlayay horumarinta iyo qiimaynta mashaariicda Somalia oo Muqdisho lagu qabtay( Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Khasaare weyn oo ka dhashay Weerarkii Iran ku qaaday Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---