Maxaa ka jira in Khilaaf u Dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Kheyre ?

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu baahinayay qoraalo la xariiray in uu jiro khilaaf hoose oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaan C/shakuur Cali Mire oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana mid ah xubnaha sida aadka ah ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in uu khilaaf u dhaxeeyo Farmaajo iyo Kheyre.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka wararka la faafinayo in  ay yihiin kuwa dacaayad ah oo lagu jahwareerinayo shacabka, waxa uuna ku eedeeyay in dacaayada ay faafinayaan kooxaha mucaaradka.

“Wax badan oo umad ahaan naga qaldamay waxaa loo aaneeya sameynta ay bulshadeena ku leedahay faafinta beenta iyo xoggo aan jirin oo shacabka lagu marin habaabiyo, dacaayadu waxay noqotay awooda kaliya ee mucaaradku adeegsado.Sidaan ogahay hogaanka dalka kalsooni aan ruxmeyn baa ka dhaxeysa”ayuu yiri C/shakuur Mire

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xili la sheegay in Xubno ku dhaw dhaw Madaxweyne Farmaajo ay kamid yihiin Xildhibaano ku dhaw dhaw ay qeyb ka yihiin Dacaayad laga faafinayay Ra’isul Wasaare Kheyre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -