Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Sababta ku kaliftay in heshiis la galaan dalka Itoobiya

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wareysi siiyay wargeyska Fanancial Times ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay heshiiskii is-faham ee maamulkiisa la galay dowladda Itoobiya, oo kaa oo abuuray walaac xooggan iyo shaki .

Muuse Biixi ayaa sheegay in maamulka uu hoggaamiyo ee Somaliland dedaal ugu jirto sidii ay aqoonsi caalamiya uga heli lahayd beesha caalamka, kaasi oo ay ku taamaysay 33-kii sannadood ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Biixi ayaa caddeeyay in heshiiska Is-fahan ee ay la galeen Itoobiya uu Somaliland fursad u siinayo inay taageerto dedaalka caalamiga ah ee ilaalinta maraakiibta gacanka Cadmeed iyo badda cas, si looga hortago dhibaatada mararka qaar dhacda.

Waxa uu xusay Madaxweynaha in Itoobiya heshiiska ay la galeen ay dhigeyso ay saldhig millatari oo badda ah ka samaysanayso xeebta Somaliland, waxa uuna xusay in sidaasi u doorteen si dhankooda Itoobiya uga helaan aqoonsi in ay yihiin dal madax-bannaan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xusay in heshiiska taariikhiga ah ee ay wada galeen Itoobiya uu xaqiijinayo himilada iyo tubta loo marayo sidii ay Somaliland u heli lahayd ictiraaf caalamiya , si ay u noqdaan dowlad rasmi ah.

Muuse Biixi ayaa intaas ku daray in aqoonsigu uu u horseedi lahaa inay Somailand kasbato maalgelin dheeraad ah, iyadoo dhaqaalaha hadda soo gala oo ah $3.4 Bilyan Doolar uu ka soo galo Somaliland ganacsiga badda, xawaaladaha iyo dhoofka xoolaha.

Madaxweynaha Somaliland ayaana beeniyay eedeymaha ay dowladda Soomaaliya u jeedisay heshiiska ay la galeen Itoobiya, waxa uuna wax aan raad laheyn ku tilmaamay in heshiiska ay galeen kordhinayo kooxaha xagjirka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -