Maxkamad ku taalla Itoobiya oo xukuntay Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka dowlada

Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka dalka Itoobiya ayaa lagu riday xukun 6 bilood oo xabsi ah ka dib markii lagu eedeeyey amar diido maxkamadeed.

Siyaasiyiintani oo gaaraya afar xubnood ayaa diiday inay maxkamda hor istaagaan amaba ay la hadlaan garsoorayaasha dacwadooda qaadayay.

Bishii hore waxaa siyaasiyiintani lagu riday xukun kan la mid ah ka dib markii maxkamadda dhexdeeda ay ku qaadeen hees cabasho ah.

Afartani siyaasi ayaa waxaa ka mid ah Bekele Gerba oo ka tirsan xisbiga Oromo Federalist Congress xabsiga ku jiray tan sanaddii 2016.

Tobonnaan kun oo qof ayaa la xiray dalkaasi Itoobiya iyaga oo aan wax maxkamad ah la soo taagin ka dib dibed baxyo ruxay dalkaas oo lagu dalbanayey isbedelo.

Dadkan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka qayb qaateen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo.

Bishii aanu soo dhaafnay dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in siyaasiyiinta mucaaradka ee xiran ay cafis u fidin doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -