Gaari uu lahaa Gudoomiye Yuusuf Maxamed Waceys oo la qarxiyay iyo khasaaro ka dhashay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in saakay uu halkaasi ka dhacay qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso, waxaana qarxaaasi la doonayay in lagu dilo Gudoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa lala eegtay gaari nuuciisu yahay Hilix uu lahaa Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo) oo xiligaasi marayay Isgoyska Wadada Rugta Ganacsiga iyo Wadada Airport-ka ee Magaalada Boosaaso

Gudoomiye Yuusuf Dhado ayaa la sheegay in uusan la socon gaarigiisa xiliga qaraxa miino lala helayay, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay afar askari oo kamid ah ilaalada Gudoomiyaha xiligaasna gaariga la socday.

Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaa gaaray goobta uu ka dhacay qaraxa miino, lamana oga in ciidamada amaanka in ay agacnta kusoo dhigeen ragii ka dambeeyay qaraxaasi oon wali la shaacin cida ay yihiin.

Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga goboka Bari ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca qaraxyo iyo dilal qorsheesan, waxaana weeraro horey uga dhacay magaaladaasi siyaabo kala duwan u sheegtay kooxaha Daacish iyo Al Shabaab oo halkaasi ku sugan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -