Dowlada Iiran oo ku hanjabtay in Xirayso Gacanka Hormuz iyo Sababta keentay

Dowlada Iiran ayaa ku hanjabtay in ay xireyso gacanka Hormuz hadii Iiran laga hor istaago in shidaalkeeda u dhoofiso qaar kamid ah Wadamada Caalamka oo horey loogu suuq geyn jiray.

Taliyaha ciidamada badda ee dowlada Iiraan Adimaral Alireza Tangsiri ayaa ku hanjabay in ay xiri doonaan gacanta Hormuuz iyaga oo sharaftooda ilaashanaya hadii Iiraan laga hor isaago in shidaalkeeda dhoofiso.

” Shuruucda caalamiga ah marka la eego, Gacanta Hormus waa marin caalami ah, haddii khatar la galiyo danaha Iiraan, waxaan diyaar u nahay inaanu difaacano sharaftayada iyo xuquuqdayada, waxaan xiri doonaan gacanta Horumus” Sidaas waxaa yiri Gen Alireza .

Hadalkan kasoo baxay dowlada Iiraan ayaa yimid kadib markii Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu diiday in cusboonaysiiyo go’aankii Iiraan loogu ogolaanayay inuu shidaalkeeda u dhoofiso wadamada caalamka qaaarkood.

Iiraan ayaa marar badan ku hanjabtay inay qaadayso tilaabooyin adag oo ay ku carqaladeenayaan guud ahaan ganacsiga shidaalka ee Bariga dhexe haddii loo diido inay shidaalkooda u iibgeeyaan Caalamka.

Gacan badeedka Horumuz ee Iirana ku hanjabtay in ay xireyso ayaa ah  mid muhiim oo kala qaybiya wadamada Iiraan, Cumaan iyo Imaraadka, waxaa gacankan maalintii mara Maraakiib sida in ka badan 18 Milyan oo fuusto oo shidaal ah, taasi oo ah Saddex meelood meel shidaalka adduunka laga isticmaalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -