Muxuu Cali Guudlaawe ku soo arkay Isbitaalka degmada Aadan Yabaal (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta kormeer ku tagay Iisbitaalka guud ee Degmada Aadan-Yabaal .

Madaxweynaha ayaa sheegay in al-shabaab cadow ku ahaayeen nolosha iyo horumarka bulshada iyagoo burburshay goobihii caafimaadka, waxbarashada, ceelashii biyaha, dugsiyadii qur’aanka iyo masaajidada sida uu sheegay.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in maamulku wax badan ka qaban doono horumarka adeegyada bulshada iyo sidii loo hagaajin lahaa goobihii ay burburiyeen  alshabaab.

Degmada Aadan Yabaal oo dhowaan laga saaray xoogagii Al-shabaab ee mudada dheer ka talinayey ayaa waxaa ka muuqda horumar la’aan la xiriirta dhinaca waxbarashada, Caafimaadka iyo guud ahaan adeegyada bulshada.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxay balan qaaday iney wax badan ka qabaneyso soo clinta adeegyada bulshada ee degmadaas oo dadkii ku noolaa badankood ay maqan yihiin markii ay ka qaxeen dagaaladii u dambeeyey ee halkaas ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -