Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo mar kale cadeysay mowqifkeeda Xaalada Falastiin (Daawo Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shirguddoomiyay kulanka gaarka ah ee Golaha Jaamacadda Carabta heer wasiir arrimo dibadeed oo ay codsatay Falastiin, laguna qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira, iyadoo uu ka soo qeybgalay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa shirkani oo qabsoomay shalay oo Axad ahayd (21 April) ka dhex sheegay in mowqifka Soomaaliya ee arrinta Falastiin ay fure u tahay deganaanshaha bariga dhexe.

Waxaa uu caddeeyay taageerrada Soomaaliya ee sharciyadda Falastiin iyo xaqqa Shacabka Falastiin ee ah inay samaystaan dowlad madax banaan oo ku taaggan xuduuddii 1967, caasimadeeduna tahay Qudusta Bari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku dhowaad 20 ruux oo ku naf waayey shil fool xun oo dhacay Degmada Tabas (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Toogasho ka dhacday garoonka dayuuradaha Canberra (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Marwo Samsam Ibraahim Cali oo noqotay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---