Taliska AMISOM oo ka hadlay Sawir qabsaday Baraha bulshada oo Muran dhaliyey (Sawirro)

Taliska ciidamada AMISOM ayaa ka hadlay Sawir shaki iyo muran badan ka abuuray baraha bulshada kaasoo la xiriiray qof ka tirsan AMISOM oo cabiraya Gabar ka mid aheyd ciidan loo diyaarinayay booliska maamulka Hirshabelle.

Dood badan ayaa ka dhalatay sawirkan ka dib markii dadka wax falanqeeya ee baraha bulshada ay ku murmeen rag iyo dumar waxaa uu yahay qofka cabiraya gabadha Soomaalida ah, inkastoo dadka badankiisu ay isku raaceen iney tahay qof dumar ah oo ka tirsan saraakiisha AMISOM.

AMISOM ayaa xaqiijisay in qofka cabiraya Gabadha Somaaliyeed ay tahay gabar kale oo u dhalatay dalka Zimbabwe, balse dadka Soomaaliyeed ay u maleeyeen inuu ahaa qof rag ah.

“Ogaada sarkaalka Booliiska AMISOM ee cabirka ka qaaday gabadha la ciidamaynayo ee sawirka ka muuqda waa sarkaal dumar ah oo ka tirsan kooxda Booliska Zimbabwe ka socda, AMISOM waxay tixgalisaa, illaalisaana dhaqanka Soomaaliyeed, waligeedna uma xilsaarto sarkaal Rag ah inuu taabto haween Somaali ah” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo la soo dhigay bogga AMISOMku leedahay Twitterka.

Hadalka AMISOM ayaa yimid ka dib markii sawirkan saacadihii ugu dambeeyey si weyn loogu falanqeeyey baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -