Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqaalo xumo lasoo daristay dowlada iyo Farmaajo oo cadeeyay Sababta keentay

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa qiray in dowladiisa ay lasoo daristay dhaqaalo xumo baahsan oo saameyn badan ku yeelatay Hay’adaha dowlada.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Maxamed Farmaajo in sababaha keenay dhaqaalo xumada dowlada uu hogaamiyo dhawaan lasoo daristay ay ugu horeyso canshuuraha oon loo qaadin sidii la rabay .

”Dhaqaalo xumo baahsan ayaa heesata dowlada , wax kalana maahanee canshuurihii la qaadayay ayaan loo qaadin sidii saxda ahaa ee la rabay” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Dhaqaalo xumada lasoo daristay dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan si weyn loo dareemay, waxa ayna taasi keentay in qaar kamid ah ciidamada dowlada gadoodaad kadib markii ay waayeen mushaarkii la siin jiray.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili Wasriirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya markasta ku faano in horumar laga gaaray dhinaca dhaqaalaha ayna soo xaroodaan lacago badan oo canshuur ahaan loo qaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Caddaaladda oo bilaabay abaabulka dullaan ku wajahan Ceelbuur iyo Galhareeri (Sawirro)

Cabdi Cade

Xil ka qaadis lagu sameeyay labo masuul iyo Xiisad ka dhalatay

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo ka carootay amar Taliban ku soo rogtay Shaqaalaheeda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---