Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada oo Gaadiid ku wareejisay qaar kamid ah maamul goboleedyada (Daawo Sawirada)

Wasaarada Maaliyadda Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaadiid ku wareejisay qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ka jira iyo sidoo kale maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta ku wareejiyay gaadiidka maamul goboleedyada Koonfur Galbeed , Hirshabelle iyo sidoo kale maamulka Gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in gaadiidkan maanta maamul goboleedyada qaar ku wareejiyeen loogu tala galay in maamulada ay ku hormariyaan Canshuuraha Dadka laga qaado.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya ayaa sidoo kale in ay qorsheenayaan in 7-gaari iyana ku wareejinayaan maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo sidoo kale Puntland.

Gaadiidkan maanta Wasaarada Maaliyadda wareejisay ayaa min labo gaari waxaa la siiyay maamulka gobolka Banaadir iyo Koonfur Galbeed halka maamulka Hirshabelle la siiyay sadex gaari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxdii hore oo ku baaqay in wadahadal lala galo Shabaab & su’aallo adag oo la weydiiyey wasiirka amniga !!

admin

Qaar kamid ah Isgoosyada Muqdisho oo dhagxaantii laga qaaday iyo kuwa cusub oo lagu xiray

Cabdi Cade

Galmudug oo soo saartay Ammaro cusub oo ku socda dadka kunool deegaannadeeda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---