Ciidanka kumandoska Danab oo howlgal ku dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidamada Jubbaland iyo Guutada 16aad ururka 5-aad ee ciidanka Kumandoska xoogga dalka ee Danab ayaa sheegay iney howlgallo qorsheysan ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalkan ayaa waxaa laga fuliyey deegaanada Beerxaani, Qudus, Labikuus, Gaabow Gabdhooley, Shabac , Ceelcad, Cabdi dhoore, Mudulow, Qotey Tuweer iyo Buurqeylo oo dhamaantood ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

“Deegaanadan oo gabbaad u ahaa haraadiga argagixisada Alshabaab ayaa inta ay howlagalladu socdeen waxaa argagixisada lagaga diley labo horjooge halka lagaga qabsadey gaari nooca Succeed-ka ah, 2 Qori oo AK47 ah iyo tiro miinooyin ah oo ay ugu talo galeen inay shacabka Soomaaliyeed ku gumaadaan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Danab

Sidoo kale sarkaalka ayaa xusay in intii ay howlgalladu socdeen ay ciidamadu raashin iyo biyo gaarsiinayeen shacabka abaartu saameysey ee deeganadaas ku nool kuwaasoo uga mahadceliyey ciidanka sida ay gurmadka ula soo gaareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -