C/raxmaan C/shakuur: “Waa xaq dastuuri ah in shacabku dibed-bax Nabadeed qabsadaan”

Gudoomiyaha xisbiga Wadajir siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in xaq dastuuri ah ay tahay in shacabku ay banaanbax nabadeed qabsadaan, fekerkooda cabiraan.

Hadalkan ayaa ku soo aaday xili la hadal hayo in maalinta beri ah uu magaalada Muqdisho ka dhacayo dibed bax looga soo horjeedo dowlada oo la sheegay inay abaabulkiisa wadaan siyaasiyiinta mucaaradka.

Hoos ka Akhriso qoraalka C/raxmaan C/shakuur.

Waxaa maalmihii ina dhaafay warbaahinta laga hadalsiiyey dad la soo abaabulay oo magac culimo, siyaasi iyo odayaal ku hadlaya. Dadkaasi marna ka damqan wiilashii xoogsatada ahaa ee xaqdarida lagu dilay, shacabkii rasaasta lagu laayey markii ay ka mudaaharaadeen, dilkii xaqdarida ahaa iyo ku dhowaad afartameeyadii wiil ee xabsiga la dhigay, iyagoo waxba galabsan. Waxaa taa ka sii daran in ilaa iyo haatan hal ruux oo gacan ku dhiigle dil geystay ah aan cadaalada la hor keenin.

Damiir xumi ka wayn ma jirto in dhibka dhibnaha laga aamuso, dulmiga dhib gaystahana la difaaco. Waa xaq Dastuuri ah in ay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Muqdisho ay dareenkooda isku soo bax nabadeed ku cabiraan, mana jirto cid ay kaga haybadaysanayaan magac Diin, Siyaasad, Dhaqan midkii ay doonaan ha soo sitaan.

Ha guulaysto codka Shacabku,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -