Sargaal katirsan UNICEF oo Shan maalmood ku xiran Muqdisho iyo Sababta ka dambeysda

Xarunta CID-da ee Magaalada Muqdisho waxaa mudo shan maalin ah si sharci daro ah ugu xiran Sargaal sare oo katirsan Hay’ada UNICEF ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Caruurta.

Sida aan Wararka ku helnay Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa Xabsiga dhigay Maxamed Nur Yalahow (Xiis) oo kamid ah Madaxa Hay’ada UNICEF qeybteeda Soomaaliya

Sargaalkan katirsan Hay’ada UNICEF , Abtigiis iyo nin kale oo seedigiis ah ayaa lagu xiray xarunta Dambi baarista CID, waxa ayna xabsi ku jiraan mudo shan maalin ah iyada oon wax maxkamad ah la horgeyn.

Xariga Sargaalkan iyo Xubnahan eheladiisa ah ayaa salka ku heysa sida aan wararka ku helnay dhul la isku heesto oo kuyaala Muqdisho, waxaana xariga ku lug leh sida aan Wararka ku helnay Xildhibaano, Siyaasiyiin, ganacsato iyo Odayaal dhaqmeed kasoo jeeda beesha raga xiran.

Dhulka la isku heesto ayaa ku yaala Xaafada Buulo Xuubey , waxaana dacwada dhulkan in mudo ah u dhaxeysay Maxamed Nur Yalahow (Xiis) oo Wakiil ka ah Qoyskiisa iyo Qoyska Madaxweymnihii hore ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin xariga Sargaalkan katirtsan Hay’ada UNICEF Muqdisho loogu geestay, waxa ayna dad badan sharci daro ku tilmaameen in mudo shan maalin ah dad Xabsiga ku xirnaadaan iyada oon Maxkamad la geyn.

Naga Filo Akhriste Magacyada dadka Masuulka ka ah xarigan iyo Siyaasada ka dambeysa , waxaan sidoo kale idiin soo gudbin doonaan dhulka la isku heesto iyo xaaladaha uu soo maray iyo Xukunada Maxkmaada ee horey u dhacay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -