Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamada amaanka oo qabtay labo nin oo la tuhmayo in ay dileen Sargaal ciidan (Daawo Sawirada)

Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ku qabtay labo nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil degmadaasi loogu geestay sargaal katirsanaa ciidanka dowlada.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amaanka howlgal ay ka sameeyeen degmada Balad Xaawo kusoo qabteen labadan nin ee la tuhmayo, waxaa sidoo kale ragan lala qabtay biskoolado ay heesteen.

Saraakiil katirsan ciidamada amaanka degmada Balad Xaawo ayaa ragan ku eedeeyay in Al Shabaab katirsan yihiin ayna ka dambeeyeen dil loo geestay Bishaar Xareed oo katirsanaa saraakiisha ciidanka.

Waxa ay sheegeen saraakiisha in ragan la qabtay ee la tuhmayo in Al Shabaab katirsan yihiin loo gudbin doono Maxkamad si loogu qaado kiiska dacwada loo heesto loona marsiiyo ciqaabta dambiga ay geesteen.

Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal kooxo hubeesan u geesteen , saraakiil , ciidamo , Waxgarad iyo dad kale oo kunool degmadaasi, waxaana marar badan baxsaday ragii dilalkaasi geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey Dibad-daxyo rabshado wata oo ka dhacay Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Biden oo taageero u muujiyey Israel, xilli ay wajaheyso cabsi kaga imaneysa Iran

Caydiid Ali

Aqalka Sare oo guda galaya doodda afarta cutub ee ugu horraysa Dastuurka KMG ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---