Wararkii ugu dambeeyey Dibad-daxyo rabshado wata oo ka dhacay Garoowe (Sawirro)

Mudahaarad rabshado wata, isla markaana ay ku dhawacmeen haweenay iyo wiil arday ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa haleeyey rasaas la sheegay inay rideen ciidamada amaanka maamulka Puntland oo ay doonayey iney dadkaas kala eryaan

Mudaaharaadayaasha ayaa la sheegay inay dalbanayeen in sharciga la horkeeno ciddii dishay nin shacab ah oo ku dhintay shalay galab rasaas ay rideen ciidamo hawlgal ka samaynayey gudaha Garoowe.

Dadka rabshadaha sameynayey ayaa dhagxaan ku tuurayey ciidamada amaanka, waxayna jareen wadooyinka magaalada qaarkood, iyagoo adeegsanaya taayero gubanaya iyo waxyaabo waxaa hakad galay socodka iyo ganacsiga magaalada

Taliyaha qaybt Booliska gobolka Nugaal Gaashaanle Dhexe Muumin Caabdi Shire ayaa sheegay in mudaharaadku bilowday ka dib markii rasaas ay fureen ciidamada amaanka uu ku dhintay qof shacab ah xili ay eryanayeen nin hubeysan oo baxsad ah shalay gelinkii dambe.

Waxaa uu shacabka uga digay  rabshadaha oo uu sheegay inaan loo dulqaadan doonin, isagoo ugu baaqay inbey si amaan ah shucuurtooda u soo bandhigaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -