Biden oo taageero u muujiyey Israel, xilli ay wajaheyso cabsi kaga imaneysa Iran

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa taageero u muujiyey Isra’il, xilli ay wajaheyso cabsi kaga imaaneysa Irsn oo laga yaabo in ay weertar aargudasho ah geysato.

Biden ayaa sheegay in Iran qorshreyneyso weerar ballaaran oo Isra’il ka dhan ah, kaas oo ay uga dabaaqeyso duqeyn 10 casho ka hor loo geystey qunsuliyadda Iran ku leedahay magaalada Dimishiq oo ay kudhinteen saraakiil sar sare oo ka tiran Ilaalada Kacaaanka Iran.

Madaxweyne Biden oo Iran ku dhego-hadlaya ayaa ballanqaaday in Mareykanku uu sameynayo wax kasta oo ku ilaalin karo amniga Isra’il, wuxuuna dhanka kale uga digey Iran tillaabo kasta oo halis gelin karta ammaanka Isra’il.

Hadalka Madxweynaha Mareykanka ayaa u muuqda mid jawaab u ah hanjabaad uu dhawaan Israa’iil u jeediyey Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamen oo ku gooddiyey in Isra’il ay eedi doonto falka ay ku weerareenm qunsuliyaddooda Suuriya.

Hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Arbacada mar kale uga digay Israel in “lagu ciqaabi doono” weerarkii cirka ee Dimishiq ee lagu dilay 7 ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraalo.

“Maamulka sharta ah wuu ku khaldamay arrintan, waa in la ciqaabaa, waana la ciqaabi doonaa,” ayuu Khamenei ku yiri khudbad uu telefishinka ka jeediyay salaadii Ciidul-Fitri ee Tehran kadib.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israel, Israel Katz ayaa si deg deg ah wuxuu dib ugu daabacay qoraalkaas oo luuqadda Farsiga ahaa bartiisa X.

“Haddii Iran ay dalkeeda ka soo weerarto, Israel way ka jawaabi doontaa oo weerari doontaa Iran,” ayuu yiri.

Khamenei waxa uu sheegay in weerarkii 1-dii April, kaas oo dhulka la simay dhismaha 5-ta dabaq ee qunsuliyadda Iran ee ku taalla caasimadda Suuriya, uu jebiyey heshiisyada caalamiga ah oo dhigaya in aan lagu xad-gudbin karin xarumaha diblomaasiyadda.

“Xafiisyada qunsuliyadda iyo safaaradaha dal kasta waa dhul uu dalkaas leeyahay,” ayuu yiri. “Markii ay weerareen qunsuliyaddeena, waxay la macno tahay inay soo weerareen dhulkeenna.”

- Advertisement -