Maxay tahay sababta ay Al-shabaab ciidamada dowlada u weerarto xiliga aroornimada?

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga dowlada Soomaaliya Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa ka hadlay sababta Al-shabaab ay u beegsadaan fariisimaha ciidamada DF xiliga aroortii.

Jen. Caanood ayaa sheegay in qaadku yahay sababta arrintan keentay, maadaama buu yiri habeenkii oo dhan ciidamada badankood ay qayilaan, xiliga aroorrtiina ay kala daadsan yihiin, taasoo uu xusay iney tahay sababta Al-shabaab ay xiligaas ugu soo beegaan weeraradooda.

“Qaadka waa Shabaab kale ah waana midka u sahla in cadowga gaado ciidamada xiliga aroortii oo inta badan ciidanku ay hurdaan maadaama ay ku dhafreen isticmaalka Qaadka.,” ayuu yiri Jen. Caanood

Waxa uu sheegay in Qaadka uu ciidamada ku jira dagaalka ku hayo dhibaato badan, wuxuuna xusay in dowladu ay haatan dareensan tahay mushkiladaas, khubarada milaterigana ay ka fekerayaan sidii xal loogu heli lahaa.

“Nasiib darada taagan waxaa ka mid ah in ciidankii difaaca geli lahaa ay habeenkii isku yimaadaan si ay Qaad u cunaan, waxaa la bilaabaya sheeko ka mashquulineysa iney cadowga ka feejignaadaan,” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada.

Dowlada Soomaaliya ayaa u maaro la’ weerarada Al-shabaab ay ku soo qaadaan ciidamada DF xiliga aroortii, kuwaasoo sababay khasaarooyin xun oo soo gaaray ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -