Dowlada Somalia oo loogu deeqay 21 Milyan oo Dollar iyo waxa lagu qabanayo oo la shaaciyay

Dowlada Denmark ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa 21 Milyan oo Dollar oo wax looga qaban doono Abaaraha ,Kaabayeyaasha dhaqaallaha iyo Ammaanka Soomaaliya.
Safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya Mette Knudsen ayaa magaalada Washigton uga dhawaaqday in Soomaaliya ugu deeqeen 21 Milyan oo Dollar oo wax looga qaban doono xaalado kala duwan.
Waxa ay sheegtay Mette Knudsen in Soomaaliya ay horumo wanaagsan ka sameysay dhanka dhaqaallaha,islamarkaana loo baahan yahay in dalalka Caalamka ay ka cafiyaan deymaha ay ku leeyihiin.
Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay Soomaaliya sidoo kale dowlada u heli laheyd kaalmo dheeraad ah ay siiyaan qaar kamid ah Wadamada Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -