Dowlada Somalia oo fariimo deg deg ah u dirtay Soomaalida ku nool dalka Sudan (Akhriso)

Safaaradda dowlada Soomaaliya ku leedahay Magaaladda Khartoum ee dalka Sudan  ayaa ugu baaqday Soomaalida ku nool dalkaasi inay muujiyaan Taxadar dheeraad ah.

qoraal ka soo baxay Safaarada ayaa loogu baaqay Soomaalida in ay ka foggaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

“Iyadoo la tixgalinayo xaaladda ka taagan dalka Suudaan, waxa ay ugu baaqeysaa Safaaradda JFS ee Khartoum guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkan in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, ayna ka fogaadaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan”

Hadalka safaarada ayaa yimid ka dib markii maanta milaterigu la wareegeen xukunkja dalkaas, xabsigana la dhigay madaxweyne Al-bashiir oo dalkaas soo xukumayey muddo dheer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -