Milatari maanta si xun ula dhaqmay Hooyo Fool aheyd !(Muqdisho ay ka dhacday)

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo maanta xiray qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa si fool xun ula dhaqmay hooyo Soomaaliyeed oo fool xanuun badan ay heesay.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada milatariga ayaa u diiday in wadada uu maro gaari waday hooyo fool heysay, waxaana askarta la sheegay in ay diideen in gaari halkaasi ka gudbo si hooyada xanuunka foosha hayay loo geeyo isbitaal.

Goobojooge ayaa Warbaahinta u sheegay in askarta si naxariis daro ah ula dhaqmeen hooyada foosha heysay, waxa ayna askarta sheegeen in aysan marnaba ogolaaneyn in qof laamiga ka gudbo.

Hooyada foosha heysay ayaa la sheegay in uu kusoo kordhay xanuunka intii wadada lagu celinayay, waxaana markii dambe laga dajiyay gaariga iyada oo ku dhashay garaash laamiga dhinaciisa ku yaalay.

Dad badan ayaa usoo gurmaday hooyada sida xun loo silciyay ee loo diiday in isbitaalka la geeyo, waxaana markii dambe la sheegay in hooyadaasi ku umushay garaashka dhaxdiisa iyada oon helin gurmadkii ay u baahneyd.

Daqiiqado badan kadib markii ay umushay hooyada jidka laga xirtay ayaa waxaa goobta yimid gaari amblaas ah oo goobta ka qaaday hooyada umushay iyo cunuga ay dhashay, waxaana si weyn uga carooday naxariis dardaa ciidanka shacabkii goobta joogay.

Wadooyinka magaalada Muqdisho oo ciidamada dowlada inta badan xirtaan ayaa mararka qaar waxa ka dhasha in hooyooyin jidka ku dhax umulaan halka dad kale oo xanuunsana ay noloshoosa halis gasho marka loo diido in la geeyo xarumo caafimaad.

Magaalada Muqdisho wadooyinkeeda ayaa maanta inta badan xirnaa, waxaana wadooyinka loo xiray munaasabada 12-ka April oo maalin laga soo hor mariyay xiligii loo dabaal degi lahaa, waxaana munaasabada lagu qabtay xarunta Wasaarada Gaashanadhiga .

 

 

- Advertisement -