Xarumo Ganacsi ay lahaayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo maanta la boobay

Wararka ka imaanaya magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in deegaano katirsan magaaladaasi ka socdaan banaan baxyo rabshado wata oo lagu boobayo goobo ganacsi ay lahaayeen dadka ajaaniibta ah ay ku jiraan Soomaalida.

Goobo ganacsi ay Soomaalida iyo ajaaniibta kale ku lahaayeen deegaanka Strand ee hoostaga magaalada Cape Town ayaa la boobay ,waxaa jirta cabsi laga qabo in boob kale lagula dhaqaaqo xarumo kale oo ganacsi.

Sida aan wararka ku helnay xarumaha ganacsi ee la boobay ayaa 11-kamid ah waxaa iska lahaa ganacsato Soomaaliyeed, waxaana cabsi xoogan lasoo daristay ganacsatada Soomaaliyeed ee xarumaha ganacsi leh deegaanka Strand iyo xaafadaha ku dhaw dhaw.

Dalka Koonfur Afrika qeybo kamid ah waxaa ka socda banaan baxyo rabshada wata ay dhigayaan dadka u dhashay dalkaasi, waxaana banaanbaxyada yihiin kuwa lagu dhibaateenayo ajaaniibta sidoo kale lagu boobayo hantidooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -