Wararkii Ugu Dambeeyay Milatariga Sudan oo la wareegay xarunta Tv-ga iyo Raadiyaha iyo Afgambi…

Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan ayaa sheegaya in saakay ciidamo katirsan milatariga dalkaasi la wareegeen Xarunta raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka Sudan.

Ciidamada Milatariga ayaa sidoo kale la wareegay xarumo kale oo muhiim ah ay ku jirto Madaxtooyada ay ku xanibeen Madaxweyniha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir, waxaa sidoo kale la xiray garoonka diyaaradaha magaalada Khartuum.

Wadooyinka muhiimka ah iyo xarumo badan ayaa lagu arkayaa ciidamo badan oo milatari ah waxaana xaalada dalka Sudan u muuqataa mid milatariga ku sameenayaan Afgambi ama ku qasbayaan Madaxweyne Al Bashiir in uu xilka ka dego.

Taliyaasha ciidamada ayaa la sheegay in kulan deg deg ah leeyihiin lana filayo in ay soo saaraan go’aano , waxaana suurto gal ah in Milatariga ku qasbaan Madaxweynaha in uu xilka ka dego.

Dalka Sudan waxaa bilihii lasoo dhaafay ka socday dibad baxyo xoogan oo lagu dalbanayay in uu xilka ka dego Madaxweyne Al Bashiir oo sanado badan dalkaasi soo maamulayay , hasa ahaatee Al Bashiir ayaa diiday dalabka mudahaaraadayasaha.

 

- Advertisement -