Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne hore Sheekh Shariif oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Garawe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Garoonka diyaaradaha Garawe waxaa kusoo dhaweeyay Sheekh Shariif iyo wafdigiisa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, wasiirro , xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Puntland.

Sheekh Shariif iyo xubnaha la socda ayaa loo galbiyay qasriga madaxtooyada Puntland, waxa uuna halkaasi Shariif kulamo kula qaadan doonaa madaxda maamulka Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Magaalada Garawe waxaa shalay gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo isna si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe, labadan Madaxweyne ayaana leh isbaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda Xasan Sheekh.

Madaxweynayaashii hore ee dalka  iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si isku mid ah uga soo horjeeda qorshaha wax ka bedelka Dastuurka KMG, waxaana madaxdan la filayaa in kulamo yeeshaan ayna soo saaraan go’aanno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiro Baahi ka cabanaya oo Codad sir ah laga duubay iyo Loolan Xaaf iyo Qeybdiid oo ….

Cabdi Cade

Saddex qodob ka Ogow Maalqabeennadii wadkoodda ku iibsaday lacagta badan

Cabdi Cade

Dowladda oo la wareegtay Gaadiid Dagaal oo loogu deeqay Ciidamada Gorgor (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---