Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Somalia oo ashtako ka dhan ah heshiiskii dekeda Berbera u gudbisay Jaamacadda Carabta

Dowlada Federaalka Somalia ayaa qoraal ashtako oo ka dhan ah heshiiskii dekeda Berbera u gudbisay Ururka Jaamacada Carabta.

Qoraal rasmi ah oo ay diyaarisay Safaarada Soomaaliya ku leedahay Magaalada Qaahira ayaa loo diray Xogheynta Jaamacada Carabta, waxaana looga hadlay mowqifka dowlada Somalia ka qaadatay heshiiskii maalgeshiga dekeda Berbera oo saamigiisa ay qeybsadeen shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka, Maamulka Somaliland iyo dowlada Itoobiya.

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in heshiiskan uu xad gudub ku yahay Qaranimada iyo madax banaanida Somalia, iyadoo dalbatay in qodobkan lagu daro ajendaha looga hadlayo Shirka Wasiirada arrimaha dibeda ee Jaamacada Carabta.

Waa talaabadii ugu horeysay ee dowlada Somalia u qaado sidii loo fashilin lahaa heshiiska dekeda Berbera, waxayna dowladu horey u sheegtay in heshiis kasta oo noocaas ah uu sharci daro noqonayo haddii aan iyada loo soo marin.

Hoos ka akhriso qoraalka Somalia u gudbisay jaamacada Carabta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kumandoska Somalia oo sheegay iney howlgal ku laayeen ajaaniibtii ugu badneyd ee ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Sidee maanta looga ciiday Magaalada Muqdisho & gobolada dalka?

Caydiid Ali

Jeneral Indha-Qarshe oo Shaaciyay in ciidanka ka baxayaan kuwa aan Damiirka laheyn

Cabdi Cade
Taboola Ads ---